BOOLISKA HELSINKI: Ninka ayaa rasaas ku riday gudaha Helsinki

Sawirku kiiska lama xiriiro SSMV/ Sawirku lama xiriiro dhacdadan

Booliska magaalada Helsinki ayaa soo saaray war sheegaya, in maanta oo Sabti ah uu nin uu rasaas kor u riday xilli uu joogay xaafadda Käpylä. Boolis ayaa sidoo kale sheegay in aanay cidna ku dhaawacmin rasaastaas.

Booliska ayaa sheegay in ay heleen qaddar yar kaddib 13:00 saac (1da duhurnimo) wargelinno badan oo ku saabsan in nin joogay meel u dhow isgoyska Koskelantie iyo Käpyläntie uu rasaas cirka u riday.

Ma jirto cid rasaastaas ku dhaawacantay.

Warka booliska ayaa intaas ku daray in ay goobta ku baxeen kaddibna raadin qaadatay wax kayar labaatan daqiiqo ay roonadada boolisku heleen nin leh astaamo u dhigma kuwa ay sheegeen dadkii dhacdada soo sheegay, kaas oo joogay meel aan ka fogeyn goobta rasaastu ka dhacday.

Ninka ayaa haystay markii la qabanayay hub gacmeed ama qori, kaas oo ay boolisku ka qaadeen.

Booliska ayaa sheegay, in ay u arkayaan in ninkan aanu cidna u hanjabin ama aanu qorayga ku fiiqin balse uu rasaasta uun cirka u riday.

Si kastaba ha ahaatee, ninkan ayaa looga shakisanyahay in uu gelay dembiga la xiriira hubka rasaasta laga rido, sababista halis guud iyo haysashada shay lagu waxyeelayn karo qof kale.