BISHAARO: Socdaalka Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) oo maanta 19.9.2021 ku wajahan Turku, Finland, iyo Daahfurka Buugga DANJIRE oo halkaas ka dhacaya

Xuquuqda sawirka: Suomen somalimediaverkosto

Waxaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Turku iyo nawaaxigeedaba loogu bishaaraynayaa in Danjire Maxamed Cali Nuur uu maanta oo ah 19.9.2021 imaanayo magaalada, isagoo halkaas uga qaybagalaya munaasabad lagu soo bandhigayo laguna daaf-furayo Buuggiisa Danjire.

Munaasabadda lagu daahfuraayo Buugga DANJIRE ee uu qoray DANJIRE MAXAMED CALI NUUR (Ammeriko) ayaa lagu qabanayaa magaalada Turku caasimaddii hore ee dalka Finland, gaar ahaan xarunta ururka Yhdessä-Yhdistys ry.

CINWAANKA: NISSE KAVON KATU 3

TURKU FINLAND

AXAD SIBTEEMAR 19.9.2021

SAACADDA 16.30-19.30 (GALABNIMO)

Wixii faahfaahin ah kala xiriir Muhidiin Hersi

Telefoon: 0443359118