Baarlamaanka Finland oo maanta (3.3.2023) yeeshay fadhigii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa 2019-2023 iyo doorashada baarlamaanka ee 2023 oo loo dareeray

Photo Abdi Musse-ssmv

Arrinta xiisaha leh ee mudan in la xuso ayaa ah, in Baarlamaankan xilligiisu dhammaadka yahay uu ka mid ahaa MP Suldaan Said Ahmed oo noqday qofkii ugu horreeyay oo asal ahaan Soomaali ah ee gala baarlamaanka Finland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Finland, Matti Vanhanen ayaa dhammaadkii fadhigii baarlamaanka Finland ee maanta uga dhawaaqay in baarlamaanku uu gelayo fasaxa doorashada baarlamaanka.

Fasaxa baarlamaanka ee la xiriira doorashada baarlamaanka ayaa ah mid ay xildhibaannadu galaan si ay wakhti ugu helaan ololahooda doorashada iyo xod-xodashada cod-bixiyayaasha.

Mudane Matti Vanhanen oo horay u shaaciyay in aanu u sharraxnayn xildhibaannimada baarlamaanka soo socda ayaa xildhibaannada iyo shaqaalaha baarlamaanka Finland uga mahadceliyay shaqadii hufnayd ee ay la qabteen intii uu guddoonka baarlamaanka hayay.

Xuquuqda sawira: Facebook- MP Suldaan Said Ahmed

Arrinta xiisaha leh ee mudan in la xuso ayaa ah, in Baarlamaankan xilligiisu dhammaadka yahay uu ka mid ahaa MP Suldaan Said Ahmed oo noqday qofkii ugu horreeyay oo asal ahaan Soomaali ah ee gala baarlamaanka Finland.

MP Suldaan Said Ahmed ayaa dhanka kale ah diblumaasi wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika. MP Suldaan ayaa sidoo kale ah mudane ka tirsan Golaha Deegaanka Helsinki.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu u taaganyahay tartanka doorashada baalamaanka Finland ee sannadkan 2023 dhacaya waxaana maanta la shaaciyay lambarkiisa gaarka ah ee uu murashixiinta kale uga soocanyahay.

MP Suldaan Said Ahmed:- “Ololaha doorashadu wuxuu si buuxda u billowdaa marka ay lambarada doorashadu soo baxaan. Waxaad iigu codayn kartaa lambarka 83. Intii aan ahaa xildhibaanka baarlamaanka, waxaan horumariyay arrimaha nabadda, xuquuqul-insaanka, waxbarashada, dhallinyarada iyo shaqaalaha. Waxaan doonayaa in aan taageeradaada helo, si aan mustaqbalkana hawlahaas u sii qabto!”

Deegaan-doorashada MP Suldaan Said Ahmed waa magaalada Helsinki, caasimadda Finland.

Habsami-socodka doorashada baarlamaanka ee sannadkan 2023 ayaa sidan u dhacaysa: Ka sokow codbixinta hordhac ah, doorashada rasmiga ah ayaa dhacaysa Axad 2:da Abriil 2023 waxaana natiijada doorashada ee rasmiga ah lagu dhawaaqayaa Arbaco 5:ta Abriil 2023.

Warqadaha xildhibaannada cusub ee caddeynaya in xildhibaanku ku soo baxay doorashada ayaa waxaa la hubinayaa Talaado, 11:ka Abriil 2023.

Fadhiga koowaad ee baarlamaanka cusub ee la soo doortay ayaa lagu dooranayaa guddoonka baarlamaanka Arbaco, 12:ka Abriil saacaddu marka ay tahay 12.

Baarlamaanka Finland waa hal gole oo kaliya waxaana xusid mudan, in inkastoo fadhiyada rasmiga ah ee baarlamaanka 2019-2023 ay soo idlaadeen fasixii doorashadana la galay, uu baarlamaanku isu imaan karo inta fasaxa lagu jiro, haddii loo baahdo.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu baarlamaanku yeelanaa hal kulan 29.3.2023 oo lagu soo gunaanadayo muddo-xileedkii baarlamaanka 2019-2023.

Guddoomiye Vanhanen ayaa ka hadlay sida uu arko ka shaqaynta iyo guud ahaan shaqada baarlamaanka Finland. Waxaa kale oo uu talo iyo tusaale u soo jeediyay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka soo geli doona.

Si aad uga bogato aragtida, talada iyo tusaaleynta Guddoomiye Vanhanen oo maqal iyo muuqaal ah halkan dhag-sii.

FIIRO GAAR AH: Waxaan dhowaan billaabaynaa wacyigelin iyo warbixinno ku saabsan doorashada baarlamaanka Finland ee dhowaan billaabanaysa.

Waxaan sidoo kale murashixiinta asalkoodu Soomaaliya ka soo jeedo siinayaa fursad ay siyaasaddooda, ballanqaadyadooda iyo guud ahaan siyaasadda xisbiga ay ka tirsan yihiin ay kula wadaagi dadka ku xiran Bogagga warbaahinta bulshada iyo bogga rasmiga ah ee Shabakadda Warbaahinta Soomaalida Finland- SSMV.

Isha warka: Baarlamaanka Finland