Baarlamaanka Finland oo go’aamiyay, in bisha Disembar ee sannadkan 2022 la bixiyo Lacagta carruurta (Lapsilisä) oo laba jibbaaran

Loogada xafiiska Hawgabka Qaranka ee Kela.

Baarlamaanka Finland ayaa aqbalay soojeedin sharci oo dhigaysa in lacagta carruurta ee la siiyo waalidka heysta carruurta 17 sano kayar (Lapsilisä) la bixiyo bisha Disembar ee sannadkan 2022 iyadoo labo jibbaaran.

Lacagtan dheeraadka ah ayaa waxaa la bixinayaa halmar oo kaliya, taas oo ka dhigan in ay tahay kaalmo halmar oo kaliya la siinayo dadka heysta carruurta kayar 17 sano.

Lacagtan carruurta ee dheeraadka ah ayaan wax saameyn ah ku lahayn caawimaadda kale ee dhaqaale ee laga yaabo in uu qoysku helo, sida lacagta kaalmada nolosha (toimeentulotuki).

Ujeedada laga leeyahay bixinta bisha Disembar ee 2022 la bixinayo halmar lacagta dheeraadka ah ee carruurta oo laba jibbaaran ayaa lagu sheegay in ay tahay, xoojinta awoodda wax gadashada qoysaska oo muddooyinkan dambe hoos u dhacday, kaddib markii ay maciishaddu sare u kacday dakhliga qoysaska soo galana aanu kordhin.

Sharcigan ayaa ah mid dhaqangelaya 1.12.2022 wuxuuna shaqaynayaa illaa iyo 31.12.2022, yacni wuxuu dhaqangalsan yahay hal bil oo kaliya, wixii bishaas ka dambeeysana waxaa lagu dhaqmayaa sharcigii hore.

Lacagtan dheeraadka ah ee Bisha Disembar ee sannadkan 2022 la bixinayo ayaa lagu qiimeyay in ay tiradoodu gaareyso qiyaastii 112 malyan oo yuuro.

KELA (Hay’adda hawlgabka qaranka) oo ah hay’adda bixisa lacagta carruurta ayaa waxay sheegtay, in lacgtan dheeraadka ah ee halka mar la bixinayo ay bixinayso 23:ka bisha Disembar ee sannadkan 2022.

Waxaa kale oo ay KELA sheegtay in qoysaska aanan laga doonayn in ay lacagtaas dheeraadka ah darteed KELA ula soo xiriiraan, maadaama ay KELA si toos ah lacagta u siinayso qoysaska horay u qaadan jiray lacagta carruurta.

Isha Warka: Baarlamaanka Finland