Baaritaanka Fayruska Korona oo maanta laga billaabayo Garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa

Vantaa 3.8.2020- Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Helsinki-Vantaaa ayaa waxaa laga billaabo maanta 3.8.2020 ka billaabanaya baaritaanka Korona.

Maamulka magaalada Vantaa oo qaabilsan adeeggan caafimaad ee hadda laga billaabay garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in dadka socdaalka ah ee imaanaya Finland ay sidoo kale siinayaa talooyin dhinaca caafimaadka ah.

Maamulka ayaa dhanka kale sheegay in dadka musaafurka ah oo dhan aan laga baarayn fayruska Korona. Maamulku wuxuu marka hore qiimaynayaa in qofka musaafurka ah uu leeyihiin calaamadaha cudurka Korona lagu garto, marka calaamadahaas laga helo ayaana baaritaanka la marsiinayaa.

Dadka baaritaanka Koronaha garoonka lagula sameeyay iyo dadka ka imaanaya wadamada qaar ee horay loogu taliyay in dadka ka yimaadaahi ay galaan karaantiil iskood ah oo 14 maalmood ah ayaan loo oggoleyn in ay garoonka diyaaradaha ka raacaan gaadiidka dadweynaha.

Adeeggan iyo waxqabadkan ayaa waxaa iska kaashanaya Hoggaanka sooshalka iyo caafimaadka magaalada Vantaa, Maamulka Duulimaadka Rayidka ee Finland iyo Shaybaarka HUS.

Hay’adda Caafimaadka iyo Nololwanaagga Finland ayaa horay ugu talisay in Garoonka diyaaradaha Helsinki-Vantaa laga furo goob caafimaad oo si gaar ah ula tacaasha safmarka Korona.

Isha warka iyo xuquuqda sawirka: MTVUUTISET