Ardey iyo shaqaale ka tirsan dugsiga hoose ee Herttoniemenranta (Helsinki) ayaa la geliyay karantiil, xanuunka feyruska korona awgiis

19 ardey oo ka tirsan dugsiga hoose ee Herttoniemenranta iyo 13 ka tirsan shaqaalaha iskuulka ayaa la geliyay karantiil muddo laba toddobaad ah, kadib markii ay u dayacmeen qaadista feyruska korona. Dugsiga hoose ee Herttoniemenranta waxaa dhigita 520 ardey.

War ka soo baxay magaalada Helsinki, gaar ahaan Waaxda qaabilsan cudurrada faafa ee magaalada ayaa lagu sheegay in la xiriiray dadka la geliyay karantiilka iyo qoysaskooda.

Warkan ayaa intaas ku daraya in Dhammaan waalidiinta ardeyda iyo shaqaaluhuba ay heleen warbixinta la xiriirta xanuun u dayacnaanta iyo tailmaanbixinta la xiriirta sida ay waxbarashadu u sii soconeyso.

Ardaydan karantiilka la geliyay ayaa la sheegayaa in iyagoo guryahooda jooga loo qabanqaabin doono waxbarasho dhinaca internetka ah muddada ay karantiilka ku jiraan.

Ardeyda iyo shaqaalaha la geliyay karantiilka ayaa loo sheegay in ay guriga joogaan oo aanay dibadda u bixin xilliga karantiilka, wax xiriir soke ahna aysan la yeelan qof ka baxsan qoyskooda oo dibadda jooga.

Dadka karantiilka la geliyay waxaa guriga loogu diri doonaa go’aanka lagu geliyay karantiilka, si waalidka dhalay ilmaha da’doodu ka yar tahay 16-ka sano ay xaq ugu helaan in ay ilmahooda guriga ku xanaaneyn karaan xilliga karantiiilka.

Inkastoo ardey iyo shaqaale ka tirsan dugsiga la geliyay karantiilk, hadda waxaa la sheegayaa in hawlaha dugsiga ayaa si caadi ah u socon doona.

Isha warka: Magaalada Helsinki

Xuquuqda sawirka: Magaalada Helsinki

Abdirizak Sugulle