Ansixinta xubinnimada Finland ee Nato oo si xawli ah ku billaabatay: Halkan ka aqri magacyada dalalka xubinnimada Finland ee Nato ansixiyay

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Kaddib markii Talaadadii la soo dhaafay ee ku beegneyd 5.7.2022 la saxiixay dukumentiga ay dowladaha Finland iyo Sweden kula biirayaan Gaashaanbuurta Nato ayaa waxaa billowday wejiga labaad ee ku biiristooda Nato. Wejiga labaad oo ah ansixinta ay dowladaha xubnaha ka ah Nato ansixinayaan xubinnimada Finland iyo Sweden ee Nato ayaa illaa iyo hadda u socda si xawli ah.

Waxaa illaa iyo maanta (8.7.2022) ansixiyay xubinnimada Finland ee Nato sideed (8) dal oo ka tirsan 30:ka dal ee xubnaha ka ah Gaashaanbuurta Nato.

Sideedda dal ee Finland iyo Sweden calanka cagaaran ee xubinnimada Nato siisay ayaa kala ah: Canada, Norway, Denmark, Iceland, Estonia, Ingiriiska, Albaaniya iyo Poland.

Kahor inta aanay Finland xubin rasmi ah ka noqon Nato, waa in ay heshaa ansixinta dhammaan xubnaha Gaashaanbuurta Nato oo 30 dal ah.

Isha warka: Warbaahinta caalamka/MFA Fnland