Allaha u naxariisto Imaam Anas Hajar oo ku geeriyooday magaalada Helsinki

Imaam Anas Hajar

Waxaa maalinnimadii Arbacada ku geeriyooday magaalada Helsinki Allaha u naxariistee Imaamkii masjidka raabitada Sheekh Anas Hajar.  Imaam Anas Hajar waxaa uu u dhashay dalka Suuriya, waxaana uu ka mid ahaa muslimiintii soo galay dalkaan Finland sannadihii sagaashameeyadii. Waxaa uu imaam ka ahaa masjidka raabitada laga soo bilaabo sannadkii 2010-kii, sidoo kale waxaa uu madax ka soo noqday ururkii SINE oo ay ku bahoobeen qaar ka mid ah ururrada iyo maraakizta islaamiga ah ee dalkaan Finland.

Imaam Anas wuxuu ka mid ahaa dadka aadka looga waraysto arrimaha islaamka iyo muslimiinta ee dalkaan Finland, isagoo ka qayb qaatay barnaamijyo iyo waraysiyo kala duwan oo ay warbaahinta dalkaan ka samaysay musimiinta.

Waxaa lagu aasi doonaa maalinka Jimcaha 09.12.2022 sacaaddu markay ay tahay 13:30, qabuuraha degmada Vantaa ee Rusekasanta oo cinwaankoodu yahay Ruskeasannantie 2, 01390 Vantaa. Basas loogu talaggalay dadka aan gawaarida gaarka ah wadan ayaa ka bixi doonta masaajidda Al-raxma (itä-keskus), Al-huda (Pasila) iyo masidka raabitada.

Bahda SSM (Suomen Somali Media) waxaa ay dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan qaraabada iyo saaxiibaddii gaarka ah ee imaam Anas, ay uga tacsiyadaynayaan geeridii ku timid walaalkeen, waxaanan Allaah uga baryaynaa inuu naxaraiistii jannada ka waraabiyo, su’aasha qabrigana u fududeeyo.