Al-Ihsan Umra Group oo sannadkan idiin diyaarisay adeeg hufan iyo hawl fudud oo lagu gudanayo Cumrada dhulka barakaysan (sawirro)

Sawirka: Abdirizak Sugulle

Waxaa dalka Finland ka ambabaxday 22.12.2023 jameeco Cumrada soo gudanaysa oo ay hoggaaminayaan Culimada magaca ku leh Muslimiinta Finland oo kala ah Sh Cabdulqaadir Maxamed , Sh Cabdirazaaq Sugulle iyo Sheekh Maxamed Xuseen Baydiid kana tirsan Al-Ihsan Umra Group

Culimadan oo metelaya Al-Ihsan Umra Group oo waayo-aragnimo fog u leh hawlaha safarrada cibaadaha ee dhulka Barakaysan ee Makka iyo Madiina ayaa waxay Musliiminta Finland ugu bishaaraynayaan in wakhti walba ay diyaar ula yihiin fududaynta gudaha Cumrada, gaar ahaan xilliyada fasaxyada ee bisha Disembar iyo xilliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Jameecadda hadda baxday oo weli ku gudajirtay gudashada Cumrada ayaa waxay dhulka barakaysan ku sugnaan doonaan Haddii Alle dimo illaa iyo 6.1.2024 (22.12.2023-06.1.2024).

Safarka Jameecada Cumrada ee Al-Ihsan Umra Group ee xilligan jiilaalka ayaa u dhacay sidatan: Helsinki-Istanbul-Medina.

Jameecada oo ku gudajirta gudashada Cumrada:

Waxaan idiin rajaynaynnaa camal iyo cibaado suuban!

Maamulka Al-Ihsaan Umra Travel