3 Qof oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay gobolka Pirknmaa

Shilka ayaa ka dhacay magaalada Nokia ee u dhow Tampere. Sawirka: Yle News

Saddex qof ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay magaalada Nokia ee u dhow magaalada Tampere ee gobolka Pirkanmaa. Shilka ayaa dhacay xilli gaari ay ku safrayeen uu waddada ka baxay, kadibna ku dhacay geed saacadihii hore ee maanta, sida ay sheegtay waaxda booliska ee Bartamaha Finland .

Qof kale oo ka badbaaday shilka ayaa loola cararay isbitaal si loogu daweeyo.

Booliska ayaa sheegay in gaarigu uu ka yimid jihada magaalada Pori, marka shilku dhacay, iyagoo intaa ku daray in shilkan aanay ku lug lahayn gawaari kale ama dad kale intaba.
Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan kiiskan oo ah khatar gelinta marista waddooyinka.

Xigasho: Yle News
Xuquuqda Sawirka: Yle News