Booliska Turku oo ka digaya nin guryaha dadka waayeelka ah degganyihiin si xeeladaysan ku gala

Turku 25.6.020- War ka soo baxay booliska Turku oo lagu daabacay bogga uu boolisku Turku Twitterka ku leeyahay ayaa lagu sheegay in ay heleen warar sheegaya nin iska soo dhiga shaqaalaha dadka waayeelka ah guryaha ku daryeela.

Boolisku wuxuu dadka ku boorinayaa in ay ninkaas ka digtoonaadaa waxayna dadka waayeelka ah xusuusinayaan in aanay guryahooda ka furin qof aanay aqoonin.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah kuma badna dalka, laakiin waxaa mararka qaar soo baxa dad qalin-shubato ah oo xeelado kala gedisan xoolo uga dhaca dadka waayeelka ah.

Xuquuqda sawirka: Yle