Xukuumadda Finland oo doonaysa in laga saaro dadka dakhligoodu dhexdhexaadka yahay guryaha kirada ah ee ay dowladdu taageerto

Kerrrostalot Kuva: Abdi Mohamud/SSMV- Sawirku xiriir toos ah lama lahan qormada

Wasaaradda deegaanka Finland oo mashruucan sharciyeed diyaarinaysa ayaa ku doodaysa in qorshuhu yahay xaqiijinta in dadka loogu talagalay ee dakhligoodu hooseeyo ay helaan guryaha kirada ah ee ay dowladdu taageerto.

Dhanka kale, waxaa hindisahann heer diyaarin ah maraya ka soo horjeestay qolooyinka maamula guryaha kirada ah ee ay dowladdu taageerto iyo weliba dadka guryaha noocaas ah iyagu deggan ama hadda doonaya in ay degaan.

Haddii isbeddelka sharciyeed ee hadda la diyaarinayo uu hirgalo, wuxuu qusaynayaa guryaha kirada ah ee ay dowladdu taageerto xadka dakhliga ee dadka deganaya uu yahay tusaale ahaan qofka kaligiis deggan 3540 yuuro bishii.

Tani waxay ka dhigantahay, in marka uu sharcigan meelmaro ay qolooyinka guryaha kireeya ka saarayaan qofka guriga kirada ku deggan haddii uu dakhligiisu ka saramaro xadka dakhliga ee loo oggolyahay in uu guriga ku dego.

Taas beddelkeeda, nidaamka hadda jira waa, in dakhliga qofka la hubiyo marka uu guriga soo degayo iyo marka uu guriga beddelanayo oo kaliya, xittaa haddii uu dakhligiisu kordhay oo xadka dhaafay intii uu guriga degganaa.

Heka oo ah hay’adda ugu weyn Finland ee guryo kireyso iyo weliba qolooyin kale oo iyaguna guryaha dowliaddu taageerto kireeya una badań magaalooyinka iyo weliba wakiillada dadka guryaha kirada ku dega ayaa si adag uga soo horjeestay hindisaha wasaaradda deegaanka.

Heka waxay sidoo kale ka soo horjeeddaa hubinta dakhliga ee macaamiisheeda guryaha deggan ee gaaraysay 100 000, sababtoo ah, joogto u hubinta dakhliga dadka guryaha deggan ayaa waxaa ka dhalanaysa shaqo iyo kharash aad u badan. Waxaa kale oo ay taasi kordhinaysaa tirada guryaha bannaan ee aan la degganayd, kuwaas oo haddaba aad u badan.

Guryaha kirada ah ee Heka ee 55000 ah ayaa waxaa ka bannaan qiyaastii 1600 oo guriga, kuwaas oo aan loo hayn cid kiraysata.

Maria Aspala, maareeyaha Heka ayaa sheegtay in ay tahay in guryaha kirada ah ee ay dowladdu taageerto la siiyo dadka u qaba baahida ugu badan iyo in marka la xulanayo dadka guryaha laga kireynayo la hubiyo hadda baahidooda guri, dakhligiida iyo hantida ay leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigan ayaa saamaynaya haddii uu dhaqangalo magaalooyinka waaweyn ee leh guryo ay dowladdu taageerto.