Tareenkii ugu horreeyay ee isku xiraya Finland iyo Sweden (Iswiidhan) oo 40  sano kaddib maanta dib u billowday

Sawirku lama xiriiro dhacdada: -Xuquuqda Sawirka: Mohamed Ibrahim/SSMV

Tareenka oo saakay aroortii hore ka dhaqaaqay Oulu ayaa gaaray magaalada Haaparanti ee Sweden saacaddu markii ay ahayd todobadii subaxnimo ee wakhtiga Sweden.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, inkastoo uu horay u shaqayn jiray tareen isku xira magaalooyinka kulaala xuduudda labada dal, tareenkaas oo shaqada joojiyay sannadkii 1988.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in tareenkan uu wax weyn ka taro isu socodka labada dal iyo ku socdaalista dhanka dhulka.

Wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta Finland oo kamid ahayd dadkii iyo madaxdii ugu horraysay ee ku safartay tareenkan ayaa sheegtay in soo laabashada tareen ka dhex shaqeeya Finland iyo Sweden ay ku salaysantahay soojeedinta Finland iyo Sweden oo ka aqbashay.

Shirkadda gaadiidka dhabbaha xadiidka Finland, VR ayaa sida jadwalkeeda ku cad maalin kasta labo  jeer oo sii socod iyo soo laabasho ah ka dhex samaynaysa Oulu Haaparanta.

Dadka deggan magaalooyinka xuduudda ku teedsan ayaa soo dhoweeyay tareenka waxayna ku rajo weyn yihiin in isku xirka gaadiidkan uu u fududeeyo dukaamaysiga iyo dalxiiska.