Ra’iisal wasaaraha Finland Sanna Marin oo sheegtay, in ay taageersantahay in deyr (derbi) laga dhiso xuduudda bari ee Ruushka kala dhexeysa

Pääministeri Sanna Marin tiedotustilaisuudessa 26.11.2020. Photo: Valtioneuvosto facebook stream/screenshot

Ra’iisal wasaare Marin ayaa kulan wadahadal oo ku saabsanaa xaaladda hadda taagan ee siyaasadda dibadda iyo ammaanka oo ka dhacay baarlamaanka Finland ka sheegtay, in ay taageereyso, in derbi ama deyr laga dhiso xadka ay Finland la wadaagto dalka Ruushka.

Hadalka Ra’iisal wasaaraha ayaa la xiriira soo jeedin ay Wakaaladda Ilaalada Xuduudaha Finland soo jeedisay, taas oo ah in deyr laga dhiso xuduudda u dhexeysa Ruushka iyo Finland.

Xukuumadda Finland ayaa dhowaan si degdeg ah ugu yeeri doonta xisbiyada dalka si ay arrinkan uga baaraandegaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Finland Annika Saarikko ayaa sheegtay, in haddii la isku raaco uu jiro qorshe diyaarsan  oo deyrka lagu dhisi karo.

Arrintan ka dhalatay weerarka uu Ruushku ku qaaday Yukreyn, cakirnaanta siyaasadeed ee ka dhex jirta Ruushka iyo wadamada dhaca Woqooyiga Yurub gaar ahaan Finland iyo ku biirista ay Finland ku biireyso NATO oo heer gebogebo ah maraysa.

Si kastaba ha ahaatee, fulinta mashruucan ayaa u baahan oggolaansho baarlamaan.

Isha Warka: Kansan Uutiset