Espoo – Bandhigga Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida ayaa todobaadkii hore lagu qabtay maktabadda Entresse ee magaalada Espoo.
Carwadan ama bandhiggan oo ay ka soo qeybgaleen dadyow kala duwan ayaa sanadkiiba mar lagu qabtaa magaalada, iyadoo ujeeddada tahay in la kobciyo dhaqanka iyo luuqadda Soomaaliga. Buuggaaga sanadkan lagu soo bandhigay Carwada oo uu qoray qoraagga caanka ah Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhibaan ayaa isugu jiray buugaagta laga barto afka Soomaaliga oo loogu tala galay caruurta, buugaag laga qoray dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.
Bandhigga ayaa waxaa si rasmi ah u furay Abdirahman Mohamud Ali oo loo yaqaano Jiimi oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka Espoo ayaa sheegay in maalintii ay bilaabeen bandhiggan oo ku beeggan muddo laga joogo 22 sano ay wax weyn ka iska bedeleen barashada Af-ka Soomaaliga, gaar ahaan caruurta.

”Sharaf ayay ii tahay in maanta aan si rasmi ah u furo bandhigga dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida oo muddo 22 sano ka hor aan isla halkan espoo ka bilownay.” Abdirahman Mohamud Al ayaa ka yiri furitaanka bandhigga. ”Waxaan si farxad leh idinkugu soo dhoweynayaa bandhiggan oo sanad guurasadiisii 22 aad galay. Waana guul u soo hoyatay inta ku hadasha Af-Soomaaliga.”
”Mustaqbalka waxaan rajeyneynaa in buugaagtan lagu soo daro luuqadaha kala duwan ee bulshooyinka kala duwan ee dalkaan ku hadlaan.” Mudane Ali ayaa intaas ku daray.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Abdoul-Majid Tahirou Varjonen oo ah imaam, macalin ama bare ayaa sheegay in bandhiggan uu yahay mid horumar gaaray. Waxaa kale oo uu sheegay in buundada isku xireysa waddamada aysan ku ekeyn dadka, balse buundada rasmiga ah ay in la wadaago dhaqanka, luuqadaha iwm.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Gambia ee Espoo Jabbi Sainey iyo marti sharaf kale oo meesha ka hadlay ayaa carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in dhaqanada la wadaago, carwooyinka nuucan ah oo ah buundo rasmi ah oo isku xireysa waddankii iyo waddankaan ay joogaan.

Abdiaziz Ali Xildhibaan ayaa sheegay in waqti badan uu geliyay horumarinta iyo dhaqanka Soomaalida isagoo adeegsanaya xirfadiisa qalin-maalnimada.
Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay buugaagta ka sokow, cunto Soomaali iyo barnaamijyo kale oo aad u xiiso badan.






