Bogga internetka ee Baarlamaaanka Finland oo khadka ka baxay iyo baarlamaanka oo ka hadlay arrinta

Mauri Ratilainen / Compic / Eduskunta

War lagu baahiyay barta X (Twitter) ee baarlamaanka Finland ayaa lagu sheegay, in bogga internetka ee baarlamaanka Finland aan la gelin karin.

Sababta ayuu baarlamaanku ku sheegay cillad la xiriirtay isbeddel lagu samaynayo iyo shaqo ku socota bogga. Bogga ayaa sheegaya marka aad cinwaankiisa internetka gujiso, in aanu furmayn oo ay hawl ku socoto.

Ma jirto caddayn sheegaysa in bogga la jabsaday, laakiin dhacdadan ayaa imaanaysa, xilli shalay bogga wasaaradda difaaca ee Finland la weeraray oo khadka laga saaray. Bogga wasaraadda difaaca ayaa hadda si caadi ah u shaqaynaya kaddib markii laga hortagay weerarkii lagu soo qaaday bogga internetka ee wasaaradda.

SSMV