Iyadoo lagu sharfayo dabbaaldegga todobaadka dhaqdhaqaaqa iyo socodka Yurub oo sannad kasta la xuso 16.9.-22.9., ayeey maamulka tikidhada HSL ee soonaha caasimadda iyo magaalooyinka ku xeeran aad u jebiyeen qiimaha tikidhada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeyaa soonaha caasimadda Finland ee Helsinki.
Qiima jebinta tikidhada ayaa shaqaynaysa laga billaabo 21.2025, 22:00 saac illaa iyo 24.9.2025, 10:00 saac.
Waxaad saddexdan maalmood ee qiimaha tikidhada la jebiya kula safri kartaa gaadiidka dadweynaha qiimaha ku qoran jaantuska hoose:
- AB, BC, CD, D 1,60 € (norm. 3,40 €)
- ABC, BCD 2,20 € (norm. 4,70 €)
- ABCD 2,40 € (norm. 5,10 €)
Qiimo dhimista ayeey maamulka HSL ku sheegeen in looga golleeyay dhiirrigelinta isticmaalka gaadiidka dadweynaha iyo yaraynta dhiiqowga hawada ee ay baabuurtu sababeen.
Isha warka: HSL