Weerar internetka ah oo lagu qaaday garoonnada Yurub- Waa sidee xaaladda Garoonka Helsinki-Vantaa?

KLM Aircraft Parked at Amsterdam Airport Schiphol. Photo credit: Martijn Stoof via pexels.com Sawirka iyo sheekada islama xiriiraan.

Waxaa maanta weerar dhinaca internetka oo khalkhal geliyay habsami-socodka adeegyada garoonnada diyaaraha ee Yurub qaarkood lagu qaaday garoonnada diyaaradaha ee ugu mashaquulka badan qaaradda.

War laga soo saaray Finavia oo ah hay’adda maamusha garoonnada iyo duuimaadyada Finland ayaa lagu sheegay, in illaa iyo hadda aanu weerarku saamayn ku yeelan shaqada garoonka Helsinki-Vantaa, laakiin ay xaaladdu isbeddeli karto. 

Sidaas oo ay tahay, maadaama uu weerarku saamayn ku yeeshay garoonnada diyaaradaha ee Bruxelles, Berlin iyo Heathrow, waxaa carqalad galay diyaaradihii garroonnadaas ka soo duulayay ee imaanayay garoonka Helsinki-Vantaa.

Xaaladdu waa mid weli cakiran waxaana lagu hawlanyahay difaaca weerarka lagu qaaday garoonnada diyaaraha ee halbowlaha u ah duulimaadyada gudaha Yurub iyo dunida inteeda kale. 

Wixii soo kordha, halkan kala soco