Anders Adlercreutz, wasiirka wasaaradda waxbarashada oo ka tirsan xisbiga Iswiidhishka Finland ayaa warbaahinta u sheegay in aanay wax faa’iido ah ku jirin dejinta sharciga lagu mamnuucayo Burkhada iyo Niqaabka ay qaar ka mid ah dumarka Muslimiintu isticmaalaan.
Wasiirka ayaa hadalkiisa sabab uga dhigay, in dugsiyada aan lagu isticmaalin dhar wejiga daboolaya. Fikraddaydu waa in Niqab iyo Burkha aanay qayb ku lahayn dugsiyada. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay, in cid wadata labisyadaas aan lagu arkin dugsiyada.
Adlercreutz oo ka sii hadalayay arrintan ayaa sheegay, in wasaaraddu aanay helin war ku saabsan carruur xiran dharkaas oo dugsiyada lagu arkay. Waa laga yaabaa in ay jireen kuwa hadda kahor xirtay Niqaab, laakiin waa wax aan la hubin.
Dood ku saabsan qaar kamid ah dharka ay haweenka Muslimiinta ah isticmaalaan si ay isugu asturaan ayaa ka billaabatay masraxa siyaasadda Finland oo ay haatan hoggaanka u hayso xukuumad siyaasaddeedu dhanka midigta u janjeerto. Xisbiga PS oo xukuumadda wadaagga ah ka tirsan iyo siyaasiyiinta hoggaamisa ayaa sida caadada u ah bartilmaameedsaday markale Muslimiinta ku dhaqan. Waxaa xusid mudan in xisbiga Kirishtanku uu taageersanyahay qorshaha la doonayo in dugsiyada looga mamnuuco xirashada Niqaabka iyo Burkhada.
Si kastaba ha ahaatee, dadka wax taxliila iyo xirfadlayaasha waxbarashada ayaa qaba, in aanay jirin baahi wakhti iyo dhaqaale loo geliyo dejinta sharciga aanay muuqan baahi loo qabo, xilli ay dalka ka jiraan dhibaatooyinka dhaqaale, shaqo la’aan baahsan iyo hubanti la’aan dhinaca soo kabashada dhaqaalaha dalka ah.
SSMV