Cilmibaaris muddo socotay oo natiijada ka soo baxday lagu dabaacay Joornaalka Lancet Public Health ayaa qeexaysa faa’iidada uu socodku u leeyahay qofka iyo tirada tallaabooyinka mudan in ugu yaraan maalinti la qaado si looga faa’iidaysto caafimaadka ahaan socodka.
Sida ku cad cilmibaarista, halista ah in dadkii maalinti samaynayay 7000 oo tallaabo intii cilmibaaristu sosoctay ay qaadaan cudurada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca ayaa 25 % ka yarayd dadkii sameeyay intii cilmibaaristu socotay qiyaasti 2000 oo tallaabo maalintii.
Waxaa kale oo cilmibaarista lagu sheegay in dadkii samaynayay 7000 oo tallaabo intii cilmibaaristu socotay ay qaadaan cudurka macaanka ee noociisu yahay 2 ay ka yarayd 14 %, cudurka xusuus-beelkana ay ka yarayd 38% marka la barbardhigo dadkii samaynayay qiyaasti 2000 oo tallaabo maalintii.
Socodka waa wax uu qofkasta oo awood dhaqdhaqaaq leh samayn karo. Socodka ayaa sidoo kale la sheegay in uu dhimista miisaanka ka caawiyo qofka doonaya in uu xoogaa kiilooyin ah caafimaad ama muuqaal ahaan iska rido.
Gunaanadka cilmibaarista ayaa lagu soo jeediyay talooyin la xiriira dhaqdhaqaaqa iyo socodka caafimaadka guud ee qofka bari-taageeraya. Socodka ayaa noqday habka ugu wacan ugu raqiisisan qiimo ahaan ee uu qofku caafimaadkiisa ku taageeri karo.
Isha warka: Lance Public Health