Xarumo lagu qaabilo qaxootiga oo la xirayo

Lieksa 23.6.2020- Hay’adda Socdaalka ayaa waxay go’aan ku gaartay in gebi ahaanba la xiro xarumaha qaabilaadda qaxootiga ee ku kala yaal Siilinjärvi iyo Lieksa.

Warkan ayaa waxaa markii ugu horreysay weriyay wargeyska Karjalainen kahor intii uusan YLE Hay’adda socdaalka ka xaqiijin.

Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ah ee labadan xero deggan ay u raadinayso goobo kale oo ay dejinayso. Xeryahan qaxootiga ayaa waxay sii furnaanayaan illaa iyo dhammaadka sannadkan.

Xerada qaxootiga ee Siilinjärvi waxaa ku jira qiyaastii 120 qofood oo magangelyo-doon ah halka xerada kale ee Lieksa ku taalna ay ku jiraan 140. Isugeyn shaqaalaha labadan xero ka shaqeeya waa 35 shaqaale.

Xigashi: Yle/Karjalainen

Sawirka: Yle