Magaalada Nurmijärvi oo nin dab lagu qabadsiiyay

Vantaa 21.6.2020- Booliska ayaa sheegay in nin inta batrool lagu dadaadiyay kaddibna dab la qabadsiiyay. Kiiskan ayeey boolisku sheegeen in ay u baarayaan sidii fal iskuday dil ah oo kale.

Waddada Nurmijärventie ayeey boolisku hawlgal ku tageen habeenki Juhannusku soo gelayay kaddibna waxay halkaas kula kulmeen nin jirkiisa oo dhan ay ku yaalaan dhaawacyo gubasho ah.

Dadka goobta joogay ayaa waxay booliska u sheegeen in dhibanahan iyo kan dhibka geeystay uu muran dhexmaray. Murankaas kaddib ayaa waxaa la sheegay in ninka dhibkan geeystay uu dhibanaha batrool ku daadiyay kagadaalna dab qabadsiiyay. Ninka dhibka geeystay ayeey dadkii goobta joogay sheegeen in uu falka kaddib meesha ka cararay.

Boolisku waxay sheegeen in  meel aan  ka fogeyn goobta uu falku ka dhacay ay ka qabteen nin 53 sano jir ah oo Estonia u dhashay, kaas oo looga shakisanyahay in uu falkan dembiga ah geeystay. Ninkan ayaa hadda ku xiran xabsiga booliska waaana ku socda baaritaanno.

Falkan ayeey dadku aad ula yaabeen waxaana lagu sifeeyay mid ay ka muuqato arxandarro.

Xigasho: Iltalehti

Sawirka: MTV