Maqaayadaha oo xayiraado kale laga qaadayo

Helsinki 19.6.2020- Xukuumadda Finland ayaa 17.6.2020 sheegtay in maqaayaduhu ay furnaan doonaa laga billaabo Isniinta ku beeggan 22.6.2020 illaa iyo 2:da saqda dhexe, laakiin iibinta Khamriga waxaa la oggolyahay wakhtiga u dhexeeya 9.00-01.00.

Laga billaabo wakhtigaas waxaa gudaha maqaayadda loo oggolyahay in markiiba ay ku jiraan boqolkiiba 75 tirada ugu badan ee macaamiisha ee maqayaadda loo oggolaa markeedi hore.

Waxaa kale oo meesha ka baxaya oo la qaadayaa xayiraaddi saarnaa buufeetka yacni miiska buufeetka ee cuntooyinka diyaarka ah laga soo qaato.

Krista Kiuru, Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Aasaasiga ah ahaa sheegtay in akhbaarta wanaagsan ee la hayaa ay tahay in safmarka cudurka Fayruska Korona uu sidii hore ka yaraaday. Xaaladda soo hagaagaysa ayeey Krista Kiuru sheegtay in ay suurraggal ka dhigayso in marba marka ka dambeysa xayiraadaha la fududeeyo.

Isha Warka: Yle

Sawirka: Ravintola Juku