Abdirahim Hussein ”Husu” oo loo doortay Agaasimaha Fulinta dalladda Moniheli

Helsinki 11.6.2020 Moniheli oo sannadkan 10 sano jirsatay ayaa waxay Husu u doortay in uu noqdo Agaasimaha Fulinta Dalladdaa Moniheli. Mas’uuliyadda maamulka Moniheli ayaa Husu ku wareegaysa 3.8.2020.

Husu oo ahaa Guddoomiyaha Moniheli ayaa dhanka kale xilkaas ku wareejinaya Guddoomiye Kuxigeenkiisi Emma Tamankag.

Husu ayaa ka mid ah aasaasayaasha dalladan Moniheli dhidibada u taagay muddo haatan laga joogo 10 sannadood. Moniheli ayaa waxay mideysaa Ururo kala xambaarsan dhaqamo kala duwan, kuwaas oo dalka Finland oo ka jira.

Dhinaca kale Husu wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaano dalkan Finland, gaar ahaan marka ay noqoto difaacidda dadka soogalootiga ah, xuquuqul-insaanka iyo xoriyadda hadalka. Husu wuxuu haatan ka tirsan yahay Wakiillada Golaha deegaanka Helsinki wuxuuna ka soo galay Safka Xisbiga SDP.

Xuquuqda sawirka: Husu