Finland waxaa laga helay maanta 244 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

28.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 244 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 86 405 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 441 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay119 qof,  gobolka Pirkanmaa oo laga helay 32 qof , gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 29 qof,  iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo  laga helay 13 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 45
Vantaa 31
Tampere 24
Espoo 22
Turku 15
Oulu 10
Lahti 10
Järvenpää 4
Kirkkonummi 4
Ylöjärvi 4
Lappeenranta 3
Alavus 4
Mäntsälä 3
Kouvola 3
Janakkala 3
Hattula 2
Imatra 3
Kerava 3
Forssa 3
Salo 3
Laittila 3
Raahe 2
Tuusula 2
Hyvinkää 2
Kaarina 2
Tornio 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay. In hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 133 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  33 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 911 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida 3 qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 31 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 548 850 oo qof (27.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 149 388 455 49 702 831
Tirada u dhimatay feyruska 3 150 786 1 056 982

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 562 512 37 974 205
Tirada u dhimatay feyruska  121 111 504 898

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hidiya 17,988,637   362 902    3 285  201 165
Baraaziil 14,446,541     76 085    3 120  395 324
Faransiiska  5,534,313     30 317       333  103 603
Turkiga  4,710,582     43 301       346    39 057
Jarmalka  3, 326,778     19 099       354    82 698
Arjantiin  2,905,172     25 495       512    62 599
Kolombiya 2,804,881     17 578       436    72 235
Iiraan 2,438,193     20 963       462    70 532

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 953,254       13 968
63 Denmark 248,950    624    2    2 479
88 Norwey 111,686    524           736
159 Iceland  6 447    18              29
42 Saudi-Arabia  414,219    1 045    9    6 922
133 Soomaaliya  13,915    103    11       713

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS