Finland waxaa laga helay maanta 419 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 dhimasho ah

Jimco 09.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 419 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 81 261 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 6 507 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 76 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 207 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 56 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 39 qof.  Sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 30 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 76 Hamina 3
Vantaa 43 Eura 3
Espoo 35 Asikkala 3
Turku 31 Vihti 2
Lahti 29 Forssa 3
Tampere 17 Raisio 3
Kerava 13 Hämeenlinna 3
Kotka 10 Lappeenranta 2
Salo 8 Orimattila 2
Mikkeli 8 Hyvinkää 2
Jyväskylä 6 Pyhtää 2
Tuusula 6 Pello 2
Järvenpää 6 Kitee 2
Mäntsälä 5 Virrat 2
Porvoo 5 Tornio 2
Lieto 5 Jokioinen 2
Kuopio 5 Ylöjärvi 2
Hollola 5 Askola 2
Kirkkonummi 4 Jämsä 2
Raasepori 4 Siikajoki 2
Närpiö 4 Joensuu 2
Oulu 4 Kangasala 2
Savonlinna 4 Kaarina 1
Seinäjöki 3 Naantali 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 224 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  41 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) , in maanta ay dhinteen 2 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland ka dhigaysa 868 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 066 860 oo qof (09.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay  45 570 168  134 641 198
Tirada u dhimatay feyruska  986 361  2 917 995

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 31,717,404    80 161    1 099  573 856
2 Baraaziil 13,286,384    89 293    4 190  345 287
3 Hindiya 13,057,954  131 893       802  167 694
4 Faransiiska 4,939,258    15 869       345    98 065
5 Ruushka  4,614,834      8 672       365  101 845
6 Ingiriiska  4,370,321      3 030         53  126 980
7 Talyaaniga  3,717,602    17 221       487  112 861
8 Turkey  3,689,866    55 941       258    33 201
9 Spain  3,336,637      9 901        142    76 179
10 Jarmalka  2,951,829    24 257        299    78 473
11 Poland  2,499,519    27 899        954    56 659
12 Kolombiya  2,492,081    12 464        247    65 014
13 Arjantiin 2,473,751    23 683         290    57 122
14 Mexico 2,261,879      5 499         596  205 598
15 Iiraan 2,006,934    22 586         185    63 884
16 Ukraine 1,803,988    19 419         464    35 962
17 Peru 1,617,864      9 966         464    35 962
18 Czechia 1,567,908      7 048         133    27 557
19 Koonfur-Afrika 1,554,975       1 366           62    53 173
20 Indonesia 1,552,880       5 504          163    42 227
21 Netherlands 1,327,136       7 783            19    16 691
22 Chile 1,051,270       8 248          183    23 979
23 Canada 1,036,023       7 982            38     23 211

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS