Finland waxaa laga helay maanta 343 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 6 dhimasho cusub ah

Isniin 15.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 343 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 50 662 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 237 qof, waxaa ku xiga gobolka Vaasa oo laga helay 23 qof, gobolka Satakunta oo 18 qof laga helay iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 16 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 105 qof, Vantaa: 78 qof , Espoo: 32 qof , Vaasa: 17 qof, Pori: 9 qof, Järvenpää: 8 qof, Rauma: 8 qof, Turku: 7 qof , Lahti: 5 qof, Orimattila: 4 qof, Oulu: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Pello: 3 qof, Tuusula: 3 qof, Joensuu: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Virrat: 3 qof, Kaarina: 2 qof, Muurane: 2 qof, Hämeenlinna: 2 qof, Laihia: 2 qof, Porvoo: 2 qof, Paimio: 2 qof, Lappeenranta: 2 qof, Lohja: 2 qof. Magaalooyinka kale ee soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 129 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 716 qof, kadib markii ay maanta hay’ada THl sheegtay dhimashada 6qof oo cusub.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 413 qof, kuwaasoo 395 ka id ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 18-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 210 194 qof (15.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       35 506 425     109 448,052
           784 040         2 412,813

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,261,470    64 297    1 111  497 174
2 Hindiya 10,916,172    11 434         91  155 764
3 Baraaziil   9,834,513    23 258       647  239 294
4 Ruushka   4,071,883    14 185       430    80 126
5 Ingiriiska   4,038,078    10 972       258  117 166
6 Faransiiska   3,465,163    16 546       167    81 814
7 Isbeyn   3,056,035               64 747
8 Talyaaniga   2,721,879    11 068       221    93 577
9 Turkey   2,586,183      6 287         94    27 471
10 Jarmalka   2,341,701      4 796        151    65 566
11 Kolombiya   2,195,039      4 923        180    57 605
12 Arjantiin   2,025,798      4 254          48    50 236
13 Meksiko   1,988,695      9 741     1 214  173, 771
14 Poland   1,588,954      5 333          98    40 807
15 Iiraan   1,518,263      7 390          62    58 945
16 Konfur-Afrika   1,491,807      1 744          78    47 899
17 Ukriane   1,271,143      3 094          45    24 330
18 Peru   1,235,298      8 093        212    43 703
19 Indonesia   1,217,468      6 765        247    33 183
20 Czechia   1,088,028      5 126          73    18 187
21 Netherlands   1,029,284      3 447          23    14 816

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS