Xarunta Fimea waxaa soo gaartay 11 xaaladood dhimasho ah oo lala xiriirinaayo tallaaka feyruska korona

Xarunta horumarinta  iyo ammaanka daawooyinka Fimea, waxaa la soo gaarsiiyay wadarta guud 11 wargelin ah oo ku saabsan saamaynta xun ee tallaalka feyruska korona, taasoo lagu sheegay in bukaankii lagu muday tallaalka uu dhintay. Sideed ka mid ah xaaladaha saamayntaas xun ku saabsan ee dhimashada bukaanka, waxaa ay dhaceen toddobaadkii la soo dhaafay.

10 ka mid ah dadkaas dhintay waxaa ay ahaayeen dadka waayeelka ah ee ku jira guryaha lagu xannaaneeyo dadka waawayn, kuwaasoo dhammaantood qabay xannuuno asaasi ah oo muddo badan hayay, dhimashadana waa mid ay sabab u ahayd xanuunadaas hore u hayay, iyo iyagoo ahaa dad waayeel ah.

Sida Fimea ay sheegtay marka lagu guda jiro xaaladaha caadiga ah ee wax cudur ah aanu jirin, waxaa xarumaha lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ah ku dhinta toddobaad walba tiro gaaraysa 400 oo qof.

Warbixinta toddobaadlaha ah ee Fimea ayaa lagu sheegay, in tallaalka looga hortagaayo feyruska korona uusan waxba ka tari karin xannuunada kale ama dhimashadaba, mar walbana dhimashadaas way imaanaysaa xitaa tallaalka kaddib.

Mid ka mid ah wargelintaas waxaa ay khusaysay qof ku jira da’da shaqada, waxaana sida ay sheegtay Fimea uu qofkaas u dhintay xanuun hayay tallaalka kahor, ee dhimashadiisu ma ahan mid uu tallaalku sababay.

Fimea waxaa soo gaaray wadarta guud illaa 230 wargelin oo ku saabsan saamaynta xun ee tallaalka feyruska korona, kuwaasoo saddex meeloodoo meel lagu tiriyay in ay yihiin kuwo khatar ah. Astaamihii ugu adkaa ee wargelinta ku soo gaaray Fimea waxaa ay ahaayeen falcelin dhanka xasaasiyadda la xiriirta sida: adkaanta neefsashada, madax-xanuun iyo qandho ama xummad.

Xigasho: YLE