Finland waxaa laga helay maanta 168 xaaladood oo feyruska korona ah

Isniin 18.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 168 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 40 505 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 38 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 125 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 17 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga heöay 16 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 39 qof, Espoo: 17 qof, Oulu: 14 qof, Vantaa: 14 qof, Turku : 9 qof, Kuopio: 7 qof, Kouvola: 7 qof, Tampere: 7 qof, Magaalooyinka kala ah: Jyväskylä, Mänttä-Vilppula, Valkeakoski, Kaarina iyo Pietersaari oo min 4 qof laga helay, sidoo kale magaalooyinka kala Kotka iyo Lahti: oo min 3 qof laga helay. Magaalooyinka kala ah: Riihimäki, Lappeenranta, Tuusula, Järvenpää, iyo Nurmijärvi: waxaa laga helay min 2 qof, inta kale ee magaaloyinka soo harayna waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 145 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 28 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 618 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista).  Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 30 609 511    95 578 662
       660 619       2 041 706

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 24,4  milyan 174 560    1 846  407 202
2 Hindiya 10,6 milyan    13 962       145  152 456
3 Baraaziil 8,48 milyan     31 394       518  209 868
4 Ruushka 3,56 milyan     23 586       481    65 566
5 Ingiriiska 3,39 milyan     38 598        671    89 261
6 Faransiiska 2,91 milyan     16 642        141    70 283
7 Turkiga 2,39 milyan       6 436        165    23 997
8 Talyaaniga 2,38 milyan      12 545        377    82 177
9 Isbeyn 2,25 milyan    53 314
10 Jarmalka 2,05 milyan     11 712        319    47 440
11 Kolombiya 1,90 milyan     17 379        375    48 631
12 Arjantiin 1,80 milyan        7 264        112    45 407
13 Meksiko 1,63 milyan      20 523     1 219  140 241
14 Poland 1,43 milyan        6 116        142    33 355
15 K/afrika 1,337 milyan      12 267        254    37 105
16 Iiraan 1,330 milyan        6 016          86    56 803
17 Ukriane 1,156milyan        5 990        116    20 802
18 Peru 1,06 milyan        4 342        101    38 871

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS