Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 14.6.2020 Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7104. Tiradii shalay waxaa ku korortay 17 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 25 (1 kiis ayaa tiradii shalay ku kordhay) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 1 qofood (1 kiis ayeey tiradii shalay hoos uga dhacday).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 326 qofood (1 kiis ayaa tiradii shalay ku kordhay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Xigasho: YLE/THL