150 qofood oo ka yimid Makedooniyada Waqooyi oo garoonka diyaaradaha Turku looga qaaday baaritaanka Korona 

Turku- Diyaarad ay saarnaayeen 150 qofood oo rakaab oo ka timid Makedooniya ayaa caawa sagaalkii habeennimo (11.8.2020) xilliga Finland ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Turku. Dhammaan rakaabkii diyaaradda la socday ayaa lagu qasbay in ay maraan baaritaanka Korona. Waxaa kale oo dhammaantood lagu amray in ay iskood isugeliyaan labo todobaad oo karaantiil ah iyo in ay aanay garoonka ka raacin gaadiidka dadweynaha.

Qof kamid ah dadka rakaabka ah ee diyaaradda saarnaa ayaa sheegay in diyaaradda dhexdeeda ay dadku wax ku cunayeen waxna ku cabeen. Waxaa kale oo ay qofkani sheegay in dadka badankiis aanay af-shareerka ku isticmaalin gudaha diyaaradda.

Finland ayaa billowday baaritaanka Korona ee lagu sameynayo dadka masaafurka ah ee ka imaanaya dalka dibaddiisa, maadaama xilligan ay dad badani ka soo laabanayaan fasaxyo ay dibadda ku aaddeen.

Billowgii todobaadkan ayeey saraakiisha caafimaadka Finnishku shaaciyeen in marka la qiimeeyo isbeddelka ku yimid tirada dadka qaadaya fayruska Korona, lagu doodi karo in mowjaddii labaad ee fayruska Korona ay hadda dalka ka billaabatay.

Isha warka iyo xuquuqda sawirka: ILTALEHTI