Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyay in uu hubka bayoloojikaalka ah ku sameeyay Yukreyn

Calamada Mareykanka iyo Ruushka oo la isku dhejiyay.

Ruuska ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midowday ka dalbaday in ay Jimcaha isu yimaadaan.

Warar diblomaasiyadeed ee laga helay xarunta QM ayaa sheegayaa in Ruushku ay Golaha Ammaanka ka codsadeen qabanqaabada kulan maanta oo Jimco ah dhaca, kaas oo ay doonayaan in ay ku soo bandhigaan caddaymo la xiriira in Mareykanku uu Yukreyn ku farsameeyay hubka bayoloojikaalka ah sida ba’an noolaha u waxyeelleeya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ruushku aanay illaa iyo hadda soo gudbin caddaymo la xiriira sheegashadooda ku saabsan hubka bayoloojikaalka ah ee ay sheegeen in Mareykanku ku sameeyay dalka Yukrein.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa durbadiiba hadalka Ruushku ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.

Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in hadalka Ruushka ka soo yeeray uu yahay gogol-xaar uu Ruushku u gogol-xaaranayo in uu isagu hubka bayoloojikaalka ama kemikaaliga ah isticmaalo.

Ilo wareedyada: REUTERS, AP, AFP, STT