Xaaladihii ugu dambeeyay ee Korona iyo dalka Soomaaliya

Sabti 27.2.2021. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in feyruska korona laga helay 134 qof afar iyo sideetankii saacadood ee la soo dhaafay, halka 8 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis, waxaana sida wasaaraddu ay sheegtay ka bogsaday 5 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Banaadir (147), Somaliland (53), Koonfur Galbeed (5), Hirshabeelle (77), Jubbaland (15) iyo Galmudug (2) qof, bukaannada xanuunka la ildaran 185 ka mid ah waa rag, halka 119-ka kalena ay yihiin haween.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 6,991, waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 3,787 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 231 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helaayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho