Xaaladda Yukreyn (Ukraine) oo cirka isku sii shariirtay iyo Ruushka oo dagaal isu-diyaarinaya

KUVA: SSMV

Helsinki- Sawiro laga soo qaaday dhanka Dayac-gacmeedka (Satelite) ayaa muujinaya ciidamo Ruush oo fara badan oo ku gaadaamaan dalka Yukreyn iyo Mareykanka oo diyaaradaha dagaalka ee wax burburiya iyo kuwa qummaatiga u kaca (Helicopter) u diray dalalka Baltiga.

Midowga Yurub iyo Gaashaanbuurta Nato ayaa digniinno isdaba-joog ah u diray Putin, madaxweynaha Ruushka, kuwaas oo la xiriira in uu dib uga laabto go’aankiisa ku aaddan Gooni-u-goosatada heysata deegaannada Donetsk iyo Luhansk ee dalka Yukreyn. Putin ayaa saxiixay qaraar ay dowladdiisu ku aqoonsanayso deegaannada Donetsk iyo Luhansk, aqoonsigaas oo dhigaya in deegaannadaas ay yihiin kuwa madaxbannaan oo xaq u leh aayo-ka-talintooda.

Arrintan ayaa ka keentay in Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanku ay cuna-qabatayn dhaqaale oo ballaaran ku soo rogaan bangiyada iyo dadka maal-qabeenka ah ee ku gaadaaman Madaxweyne Putin.

Xaaladda ayaa haatan u muuqato mid faraha ka sii baxaysa waxaana laga cabsi qabaa in dagaal Yurub iyo dunida kalaba saameeyo ka billowdo daandaansiga iyo bowdo-qaawiska Ruushka iyo dagaal u darbanaanta Gaashaanbuurta Nato ee uu Mareykanku ugu tunka weynyahay.

SSMV