QORMADA TIFAFTIRAHA (Pääkirjotus): Metelaadda ay Soomaalida Finland hadda ku leedahay Baarlamaanka Finland sidee lagu helay, sidee ayaase lagu sii heysan karaa metelaadaas?

Mauri Ratilainen / Compic / Eduskunta

Si guud: – Sida ku cad shaxda Hay’adda istaatiistikada Finland (2021), dadka asal ahaan Soomaalida ah ee Finland ku nool waxay yara kor u dhaafeen labo iyo labaatan kun (22000>). Ku dhowaad 10000 oo dadkan ka mid ah ayaa tirakoobka lagu sheegay, in ay Finland ku dhasheen. Tirada kale ee soo hartay ayeey Hay’adda istaatiistikadu sheegtay, in ay dalka dibaddiisa ku dhasheen.

Tirada dadka Soomaalida ah ee tobanka kun (10000) ku dhow ee Finland ku dhalatay iyo in badan oo ka tirsan kuwa dibadda ku dhashay ayaa ah dhallinyaro la jaanqaadi karta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Finland. Tacliinta, nolosha shaqada oo qayb kasta ah iyo ganacsigaba Soomaalidu si muuqata ayey muddooyinkan dambe uga dhex-muuqdaan.

Vaaliuurna-Hanne Salonen / Eduskunta

Siyaasadda iyo metelaadda Golayaasha deegaanka: – Ka sokow nolosha shaqada iyo goobaha tacliinta, Soomaalida ayaa aad uga dhexmuuqata masraxa siyaasadda Finland. Xisbiyada waaweyn iyo kuwa dhexdhexaadka ahba waxaa ku jira oo xubno firfircoon ka ah dad Soomaali ah. Waxay Soomaalida siyaasadda Finland ku jirta u tartamaan doorashooyinka Wakiillada Golayaasha Deegaanka, Maamulka Gobollada oo haatan cusub iyo weliba Golaha Sharci-dejinta Finland, yacni baarlamaanka Finland.

Guulo mudan in lagu faano ayey Soomaalida ku jirta siyaasadda Finland ka soo hooyaan doorashooyinka Golayaasha deegaanka. Golayaasha deegaanka ayaa ah barta laga hago siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, shaqada i.w.m. ee degmo kasta. Sidaas darteed metelaadda ay Soomaalida Finland ku leedahay Golayaasha deegaanka ee magaalooyinka waaweyn waa mid si guud marka loo qiimeeyo sugan.

Siyaasiyiinta iyo metelaadda Baarlamaanka Finland: – Tiro aan badnayn oo siyaasiyiinta Soomaalida Finland ka tirsan ayaa xilliyo kala duwan u tartamay Xildhibaannimada Baarlamaanka Finland. Si kastaba ha ahaatee, marka laga reebo murashixiin fara-ku-tiris ah, xittaa tiro dhiirrigelin weyn leh waa ay haleeli waayeen.

Murashaxnimadu waa tallaabo muujinaysa ku-dhaca qofka iyo hammigiisa sarreeya, laakiin waa muhiim in la ogaado halka ay ciyaartu iska qaban la’dahay, kaddibna xal loo helo caqabadaha keenaya, in aan horumar muuqda laga samayn doorashooyinka baarlamaanka Finland.

Kuva-Eduskunta

Metelaadda hadda jirta ee Baarlamaanka Finland iyo sida ay ku timid: – Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Xisbiga Bidixda (Vasemmistoliitto) ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo mid noqda baarlamaanka Finland. Deegaan doorashada Suldaan ayaa ah magaalada Helsinki, taas oo hooy u ah inta badan Soomaalida Finland ku nool.

Xildhibaan Suldaan wuxuu doorashadii hore ee baarlamaanka Finland ka galay kaalinta labaad, yacni wuxuu noqday xil-sugaha labaad. Murashixii xildhibaannimada ku guuleystay ayaa noqday xildhibaan, halka murashixii xil-sugaha koowaad ka noqotay doorashaduna ay mar dambe gashay doorashada baarlamaanka Yurub oo ay ku guuleysatay.

Nasiib wanaag, xildhibaan Paavo Arhinmäki oo ahaa xildhibaan baarlamaan, kana tirsan xisbiga Xildhibaan Suldaan ayaa noqday ku xigeenka duqa magaalada Helsinki. Xildhibaanad Silvia Modig oo kaalinta xil-sugaha koowaad ku jirtayna waxay go’aansatay in ay sii xajisato xildhibaannimadeeda Baarlamaanka Yurub.

Xildbibaan Suldaan Said Ahmed oo kaalinta labaad ee xil-sugaha ku jiray ayaa sidaas ku noqday mudane ka tirsan baarlamaanka Finland. Sidaas si lamid ahna, wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo xubin ka noqda Baarlamaanka Finland.

Sidee ayaa lagu sii heysan karaa metelaadda Soomaalida Finland ay hadda ku leedahay Baarlamaanka Finland? – Magaalada Helsinki oo ah deegaan doorashada Xildhibaan Suldaan Said Ahmed waxaa hubanti ah, in haddii ay Soomaalidu codkooda mideyso ay heli karto hal kursi oo baarlamaanka ah.

Akhristow, waxaan indhaha laga qabsan karin, in siyaasiyiinta Soomaalida Finland ay ka soo kala jeedaan xisbiyo kala duwan, taas oo ka dhigan in haddii ay soo baxaan murashixiin badan oo xisbiyo kala duwan u kala ordaya ay codadku qaybsami doonaan, taasina ay keeni karto, in rajada metelaadda Soomaalida Finland ee baarlamaanku ay meesha ka baxdo, sidii horey u dhici jirtayba.

Talada tifaftiraha:- Mar haddii ay siyaasiyiinta Soomaalidu ka soo kala jeedaan xisbiyo kala duwan, mar haddii Soomaalida Finland ee deggan Helsinki aanay codkooda oo kaliya ku soo saari karin wax ka badan hal xildhibaan, waxaa qumman in laga fekero, sidii ugu yaraan aan xoogga u saari lahayn, in halka xildhibaan ee aan soo saari karno aanan lumin.

Si dan-wadareedka Soomaalida Finland loo ilaaliyo, metelaadda Soomaalida ee baarlamaanka Finland:na aan u sii heysanno, waxaa mudan in la qiimeeyo, xildhibaanka hadda baarlamaanka ku jira, Suldaan Said, waxyaabaha u hirgalay, waxyaabaha uu isagu gadaal ka riixayo ee haatan miiska saaran iyo qorshihiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

Photo: OPM Somalia

Waxaa kale oo aan wada ognahay, in xildhibaan Suldaan loo magacaabay xil aanay horay Finland uga qaban qof asal ahaan ajnabi ah: waa Ergayga gaarka ah wasiirka arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika.

Waxaan soo jiidinaynaa, in qiimeyntan ay wadajir u sameeyaan siyaasiyiinta Soomaalida Finland ee Reer Helsinki, culimada, aqoonyahannada, ganacsatada, ururada dhallinyarada iyo daneeyayaasha siyaasadda. Haddii loo arko in uu Xildhibaan Suldaan mudan yahay, waaba mudan yahaye, aan xoog iyo xoolaba gelinno sidii uu codkeenna ugu soo laaban lahaa.

Akhristow ogow, in qormadan aanay ka dhalan rabitaan shakhsiyeed, mid xisbi ama kooxeed. Aragtidan waxay ku qotontaa wacyiga jira, wakhtiga la joogo, fursadaha jira iyo weliba waxyaabaha u qabsoomay Xildhibaan Suldaan inta kooban ee uu ka tirsanaa baarlamaanka Finland.

Ballanteennu waa markale iyo metelaadda baarlamaanka Finland oo aan hananno Inshaa Allaah. Barbarkayga ka baxdaa waa bakayle qaleen!

Xuquuqda sawirada: