Laga billaabo billowga bisha Oktoobar 2020 waxaa gebi ahaanba la qaadayaa xayiraadaha isu-imaatinka ee dalka saaran

Xukuumadda Finland ayaa go’aan ku gaartay in gebi ahaanaba la qaado xayiraadaha isu-imaatinka ee dalka saarnaa safmarka Fayruska Korona dartiis.

Billowga bisha Oktoobar ee 2020 ayeey xukuumaddu u asteesay in xayiraadaha saaran isu-imaatinku ay meesha ka baxaan, haddii xaaladda Korona ay sidan ka sii fiicnaato.

Warkan ayaa waxaa sheegtay Hanna Kosonen, Wasiirka Sayniska iyo Dhaqanka Finland.

Tan waxay ka dhigantahay in madallada iyo munaasabadaha lagu qabto meelaha gudaha iyo dibadda ah ee ay ka soo qaybgelayaan wax ka badan 500 oo qoofood la oggolaanayo wixii ka dambeeya billowga bisha Oktoobar.

Xigasho: Yle

Sawirka. SKP.FI