Xaafadda Töölö ee Helsinki oo caawa rasaas laga maqlay iyo qof dhaawac ah oo isbitaalka loo qaaday

Sawirku kiiska lama xiriiro SSMV

Warbixin hordhac ah oo ay soo saareen booliska Helsinki ayaa lagu sheegay, in ciidanka boolisku ay hawlgal ka sameeyeen caawa fiidki dhisme ku yaal xaafadda Töölö kaddib markii lagu wargeliyay in halkaas ay rasaas ka dhacday qofna ku dhaawacmay.

Booliska oo warkiisa sii wata ayaa sheegay in qof dhaawac ah isbitaal loo qaaday dhowr qofoodna ay u xireen shaki la xiriira rasaasta dhacday iyo qofka la dhaawacay.

Dhacdada oo cusub iyo baaritaanka kiiska oo billow ah darteed ayuu boolisku ka gaabsaday in uu war intaas ka badan ka sheego rasaasta dhacday iyo qof la dhaawacay ee la tuhunsanyahay in isaga xabbadda lala dhacay.

Isha warka: Booliska Helsinki