Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Finland

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Md. Maxamed Barre Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo afar cisho ah uga bilaabatay dalkan Finland, iyadoo garoonka uu si rasmi ah ugu soo dhoweeyay Md. Suldaan Said Ahmed oo ah Ergeyga gaarka ee dalkan Finland u qaabishan Arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Geeska Afrika oo casuumaadda u fidiyay wasiirka, waxaa sidoo kale garoonka soo gaaray qaarka ka mid ah bahda Sports-ka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

”Maanta waxaa farxad inoo ah in aan halkan ku soo dhoweyno wasiirka Dhalinyarada iyo Sports dowladda Federalka Soomaaliyeed Wasiir Maxamed Barre” Suldaan Said Ahmed, Ergeyska Finland u qaabilsan arrimaha Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta geeska Afrka  ayaa yiri, ”Inta aad joogtid waxaan kuu diyaarinay kulamo official ah iyo kuwo aad kula kulmi doonto jaaliyadda Soomaaliyeed”

Wasiir Maxamed Barre Maxamed, wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta, isagoo u mahadceliyay dowladda Finland iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

”Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan kula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed oo dhameystiran, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa sxbkey Suldaan oo in aan imaado sababteeda iska lahaa.” ayuu yiir Wasiir Maxamed Barre.

Wasiirka ayaa sheegay in uu joogi doono muddo afar maalmood ah, isagoo sheegeyna in jaaliyaddana uu u warami doono oo maalin dhan uu siin doono.