Wefdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Finland

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomalaiya Cumar Cali Rooble ayaa soo gaaray magaalada Helsinki ee dalka Finland, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho afar maalmood ah oo rasmi ah.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Helsinki-Vantaa ku soo dhoweeyay Ururka Jaalliyada Midnimadda Umadda Soomaaliyeed oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Jaalliyadda Mohamed Cabdirahman Cabsiiye, Guddoomiye ku xigeenkiisa Cabdulraxman Cabdi Raage iyo Xoghayaha arrimaha bulshada Cumar Cabdi Colow.

Wasiirka oo warbixin kooban warbaahinta ku siiyay Garoonka Diyaaradaha Helsinki-Vantaa ayaa sheegay in inta uu joogo dalkan Finland uu la kulmi doono dowladda Finland iyo hay’ado kale oo kala duwan.

Wasiirka ayaa Jaalliyada Soomaaliyeed ee dalka Finland uga mahadceliayasoo dhoweyntooda u mahadceliyay soo dhoweyntooda.

Dowladda Finland iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir iskaashi oo soo jireen ah waxaana xusid mudan in Dowladda Finland ay taageero dhinacyo badan leh siiso Dowladda Soomaaliya.

Dhinacyada ay dowladda Finland Soomaaliya ka taageero ayaa waxaa kamdi ah Horumarinta iyo tayaynta Saxaafadda, Nabadaynta, Maamul-wanaagga, Waxbarashada, Caafimaadka, Shaqo-abuurka iyo horumarinta arrimaha bulshada.