Wasiirka arrimaha dibadda ee Finland Pekka Haavisto: Waa suuraggal in Ruushku isticmaallo hubka Nukliyeerka

Kuva: Abdi Musse Mohamud/SSMV

Wasiir arrimo dibadeedka Finland oo la hadlay warbaahinta dowladda Finland ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda Yukreyn ay haatan faraha ka baxday oo uu dalkaas wajahayo masiibo dhinaca bani’aadminimada ah.

Wasiirka oo warkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in sida muuqata uu Ruushku adeegsanayo hab kasta oo uu ku qabsan karo Yukreyn xittaa haddii ay noqoto isticmaalka hubka saamaynta dhow iyo tan fogba leh ee Nukliyeerka.

Haavisto ayaa yiri ”Bulshada Caalamku waxay la anfariirtay in weerarka Ruushku aanu ku wajahnayn Gobollada Donetski iyo Luhanski oo kaliya balse ay doonayso in Yukreyn oo dhan oo ay hubka ka dhigto”

KUVA: SSMV

Sauli Niinistö, madaxweynaha Finland ayaa shalay shalay sheegay in Finland iyo iswiidhan (Sweden) ay si dhow qayb uga yihiin nidaamka xog-wadaagista ee Gaashaan-buurta Nato. Madaxweynaha ayaa arrintaas ku tilmaamay mid muhiimmad weyn u leh Finland.

Dhanka kale war ka soo baxay Kremlin ayaa lagu sheegay in haddii Finland iyo Iswiidhan ay ku biiraan Nato uu Ruushku ku qasbanaan doono in uu isticmaallo tallaabo ciidan, taas oo ay dad badan u fasirteen hanjabaad iyo digniin si toos ah ugu socota Finland.

Qulqulka iyo firxadka dadka ka baxsanaya dagaalka Yukreyn ayuu Haavisto sheegay in ay reer Galbeedku u diyaargaroobeen. Wasiir Pekka ayaa yiri mar uu ka hadlay qaxootiga ka baxsanaya dagaalka Yukreyn: ”Finland waxay dhankeeda diyaar u tahay caawinta iyo qaabilaadda qaxootiga Yukreyn”.

Finland oo xuduud la leh Ruush islamarkaasna horay ula gashay Midowgii Sofiyeeti dagaallo lagu hoobtay oo ay markii dambe ka heshiiyeen ayaa waxaa ku nool Soomaali tiradeeda lagu sheegay qiyaastii 23000 oo qofood (istaatiistikadi 2020).

Isha warka: warbaahinta Finland iyo kuwa caalamka