WARBIXIN: Muddo intee le’eg ayuu qaadan karaa tallaal loo soo saaro Feyruska Korona?

Iyadoo caalamka oo dhan uu fara ba’an ku hayo feyruskaan safmarka ah ee Korona, islamarkaana wali lala tacaalayo sidii lagu heli lahaa tallaal looga hortago feyruskaan, ayaa Talaadadii la soo dhaafay madaxweynaha Ruushku waxaa uu ku dhawaaqay in dalkiisu uu soo saaray tallaalkii ugu horeeyay ee looga hortagaayo Feyruska Korona. Waxaase la yaab leh in xukuumadda Moskow aanay soo bandhigin baaritaannadii iyo hawlihii ay ka soo martay soo saarista tallaalka.

Warkaas uu Ruushku soo saaray kaddib, waxaa bilowday shaki gelin ka imaaneysa dhanka khubarada caalamka ee ku takhasusay arrimaha tallaalada, taasoo ku saabsaneyd in tallaalkaan uu soo maray baaritaanno iyo tijaabooyin rasmi ah oo ku filan soo saaristiisa iyo inkale, iyo sidoo kale suurtaggalnimada ah in tallaal lagu soo saari karo muddo dhowr bilood gudahood ah.

Culimada ku takhasustay tallaalada waxaa ay sheegayaan in ay khasab tahay in tallaalka intaan la soo saarin ka hor si fiican loo tijaabiyo, si aanay u dhicin in talalalkaas uu xambaarsan yahay maaddooyin ka xoog badan feyruska loogu talaggalay in lagu dilo. Tusaale ahaan sannadihii kontomeeyadii waxaa dhacday in la soo saaray oo la oggolaaday tallaal looga hortagaayo cudurka dabeysha oo lagu soo saaray muddo saacado gudahood ah, waxaana tallaalkaas ku jiray qaar ka mid ah feyruska oo aan si dhammeystiran u dhiman, natiijadii ka dhalatayna waxay noqotay in carruurtii tallaalkaas la siiyay uu cudurkii ku dhacay, qaar badan oo ka mid ahna waaba ay u dhinteen.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay jariidada Newyork Times, tallaal in la soo saaro oo la horumariyo waxaa ay u baahan tahay 10 sannadood ama ka badan.

Waxaa hoos ku qoran tusaalayaal caddaynaaya tallaalada qaarkood iyo mid walba inta sannadood ee uu u baahday in lagu soo saaro:

1. Varicella VZV, waxaa tallaalkaas uu qaatay soo saaristiisa 28 sano
2. FluMist oo ah tallaal loogu talaggalay kahortagga Infuluwensada, waxaa soo saarsitiisu ay qaadatay 28 sano.
3. Feyruska HPV oo ah kansar ku dhaca riximka dumarka, waxaana u dhimatay 266 000 oo qof. Sida Newyork Times sheegtay waxaa tallaalka looga hortagayay soo saaristiisa ay qaadatay muddo 15 sano ah.
4. Rotavirus (shuban biyood), kaasoo ah feyruska sababa shuban ku dhaca ilmaha, waxaana tallaalka looga hortagaayay uu qaatay muddo 15 sano ah.
5. Yellow Fever, waxaa tallaalkii ugu horreeyay la soo saaray 1918-kii, laakiin sannadkii 1926 ayaa dhakhtarka la yiraahdo Mark Taylor waxaa uu sugay in warkaas aan waxba ka jirin, waana la joojiay tallaalkaas. Sannadkii 1951-dii ayaa la soo saaray tallaalkii saxda ahaa ee cudurkaas looga hortagaayay

6. Cagaarshowga, waxaa ay qaadatay muddo 12 sano ah in la soo saaro tallaalka looga hortagaayo cudurkaas.

Haddaba Feyruska Korona xaalkiisu waa sidee?

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxaa ay sheegeysaa in ay socdaan tijaabinta 28 tallaal oo ka mid ah 150 tallaal oo haatan lagu tijaabinaayo dadka, iyadoo 6 ka mid ah tallaaladaasna ay gaareen marxaladdii saddexaad, oo ah tan ugu dambeysa ee tijaabada ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay khubarada qaarkood, in la filaayo in tallaal aamin ah oo waxtar leh oo looga hortago feyruska korona uu qaato 12-18 bilood.

Xigasho: Aljazeera.net
Xuquuqda sawirka:
Waxaa warbixintan diyaariyay Abdirizak Sugulle