War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Finland ayaa lagu sheegay in la dhimay qiimaha baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga.
Warkan ayaa sheegaya, in baasaboorka uu qofku dalbado isagoo booliska jooga laga billaabo billowga bisha Luulyo ee sannadkan uu qiimihiisu noqonayo 55 yuuro (wuxuu hadda ahaa 57 yuuro) kan uu qaab elegroonig ah u dalbadana wuxuu noqonayaa 51 yuuro (wuxuu hadda ahaa 53 yuuro).
Kaarka aqoonsiga ee uu qofku dalbado isagoo booliska jooga laga billaabo billowga bisha Luulyo ayuu qiimihiisu noqonayaa 65 yuuro, kan uu qaab elegroonig ah u dalbadana wuxuu noqonayaa 61 yuuro. Qiimahan cusub ee kaarka aqoonsiga ayaa labo yuuro kayar qiimaha uu hadda uu joogo.
Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay, in qiimahan cusub uu shaqaynayo inta u dhexeysa 1.7.– 31.12.2025, balse sannadka dambe dib uu qiimeyn lagu samaynayo qiimaha dukumentiyada.
Waxaa xusid mudan in warkan lagu sheegay qiima-dhimista lagu sameeyay lacagta baasaboorka lagu qaato uu yahay kii labaad oo muddo kooban gudaheed farxad geliya dadka Finnishka ah. Horaya ayaa bishii Abriil ee sannadkan loo meelmariyay sharciga lagu dheeraynayo wakhtiga uu shaqeeyo baasaboorka oo hadda ah 5 sano. Baasaboorka ayaa sharcigan cusub dartiis shaqayn doono ugu badnaan 10 sano.
Isha warka: Wasaaradda arrimaha gudaha