Siyaasi Suldaan Said Ahmed oo qarka u saaran in uu noqdo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland

Suldaan Said Ahmed oo diraya Hambalyada 60 guurada Xornimada Soomaaliya

Doorashadii Golaha deegaanka magaalada Helsinki ee dhowaan dhacday ayaa waxay isbeddel dhibaca xilalka ah u keeni doontaa Xisbiga Bidixda (Vasemmistoliitto) ee uu Siyaasi Suldaan ka tirsanyhay islamarkaasna uu ku metelo Golaha deegaanka magaalada Helsinki.

Isbeddelka la saadaalinayo in uu ku yimaado xilalka Xisbiga ayaa sidan noqonaya:

Xildhibaan Paavo Arhinmäki oo ka tirsan baarlamaanka Finland kana tirsan xisbiga Bidixda ayeey xisbigiisu doorashadii Golaha Deegaanka ee magaalada Helsinki kaddib soojeediyeen in uu ku-xigeen u noqdo Duqa magaalada Helsinki.

Haddii xilka ku-xigeenka duqa magaalada loo doorto Paavo Arhinmäki, waxay ka dhigantahay in uu ka tanasulayo xildhibaannimada baarlamaanka Finland, sidaas darteedna uu baarlamaanka geli doono xildhibaan cusub oo xisbigiisa ka tirsan.

Silvia Midig oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Yurub horayna ugu jirtay booska sugitaanka koowaad ee baarlamaanka Finland ee xisbiga Bidixda ayaa haddii uu Arhinmäki xildhibaannimada ka tanasulo la wareegaysa booska xildhibaannimada ee baarlamaanka Finland, sidaas si lamid ahna bannaynaynsaa booska xildhibaannimada baarlamaanka Yurub.

Haddii ay Silvia Midig door-biddo in ay sii wadato xildhibaannimadeeda baarlamaanka Yurub, waxaa markaas Booska xildhibaannimada Baarlamaanka Finland ee xisbiga Bidixda (Vasemmistoliitto) la wareegaya Suldan Said Ahmed oo haatan ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Helsinki.

Suldan waa siyaasi da’yar oo aad uga dhex-muuqda fagaarayaasha siyaasadda Finland wuxuuna tusaale u yahay da’yarta dalkan ku dhalatay ama ku kortay ee asal ahaan ka soo jeeda qoyska ajnabi ah.

Haddii uu Suldaan galo baarlamaanka Finland wuxuu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo siyaasadda Finland heerkaas ka gaara.

SSMV