Shirkadda Tareennada VR oo sheegtay in qaadashada afshareerka ee tareennada dhexdooda ah ay ka dhigi doonto mid khasab ah

Sawirku lama xiriiro dhacdada: -Xuquuqda Sawirka: Mohamed Ibrahim/SSMV- Sawork

Arbaca 10.03.2021. Shirkadda tareennada dalkaan Finland VR ayaa maanta sheegtay, in laga bilaabo subaxnimada khamiista 11.3.2021 qaadashada afshareerka laga dhigi doono mid khasab ah, dhammaan tareennada magaalada gudaheeda iyo kuwa gobolladaba.

Shirkaddu waxaa ay sheegtay in afshareerka khasabka laga dhigay ay sababta keentay tahay, kaddib markii macaamiisha shirkadda ay ka soo codsadeen arrinkaas, iyo waliba xaaladda feyruska korona ee dalka ee ka soo daraysa awgeed.

Ma jiro wax sharci dastuuri ah oo loo cuskaday arrinkaas, laakiin sida ay VR sheegtay, waxaa ay arrinkaas sal uga dhigtay shuruudaha loogu talaggalay dadka musaafiriinta ah, kuwaasoo hadda la cusboonaysiin doono.

Xogweydiin ay shirkadda VR ka samaysay arrinkaan, ayaa 65,5 boqolkiiba dadkii ka jawaabay xogweyndiintaas waxaa ay sheegeen, in ay ku rajo weyn yihiin in qaadashada afshareerka laga dhigo khasab. Shirkadda VR waxaa ay qaadashada afshareerka ka dhigeen mid soo jeedin ah laga soo bilaabo deyrtii sannadka 2020-ka.

VR waxaa ay sheegtay in xilligaan haatan ah 90% dadka raaca tareemada ay qaataan afshareerka, iyadoo dadka gobollada iyo magaalooyinkuna ay ku kala duwan yihiin arrinkaas.

Sida warbixintaan lagu sheegay afshareerka lagama doonayo qofka inuu isticmaalo, haddii ay jiraan sababo caafimaad oo uusan iyaga awgood u istcimaali karin afshareerka. Waxaana ku filan qofka in uu arrinkaas u sheego oo keliya shaqaalaha tareenka, ma jirto wax shahaado ah oo qofka laga rabo.

Haddii uu qofku soo iloobo afshareerka waxaa uu ka iibsan karaa tareenka.

Xigasho: HS