Sharciga Xaaladda Degdegga ah ee Finland ka jira oo la qaadayo kahor dhammaadka bishan Juun 2020

Helsinki 14.6.2020 Xukuumadda Finland ayaa waxay maalinta berri ah oo ku beegan 15.6.2020 dhegeysan doontaa qiimeyn lagu sameeyay sii socoshada isticmaalka sharciga xaaladda degdegga ah.

Sharcigan xaaladda degdegga ah ayaa dalkan ka shaqeynaya illaa iyo dhammaadka bishan aynu jirno ee Juun, laakiin Sanna Marin, Ra’iisal wasaaraha Finland ayaa sheegaysa in wakhtigaas kahor sharcigan laga noqon karo.

Qodobada sharciga xaaladaha degdegga ah iyo xaaladaha gaarka ah ka degsan waxaa la isticmaali karaa oo kaliya marka ay jiraan sababo cayiman oo uu sharciga Finland sheegayo. Sanna Marin ayaa wareysi ay siisay Radio Suomi ku sheegtay in haddii berri ay khubaro caddeeyaan in sababahaas aanay hadda jirin ay xukuumaddu ka laabanayso isticmaalidda sharcigan kahor inta dhammaadka bishan.

Xukuumadda Finland ayaa berri isugu imaanaya kulan ay uga xaajoonayso waxa laga yeelayo sharciga xaaladaha degdegga ah ee Fayruska Korona dartiis loo dhaqangeliyay.

Isha Warka: Yle

Sawirka: Yle