Sharciga dib u Midaynta Qoysaska ee dadka Magangelyodoonka oo isbeddel lagu sameynayo

Helsinki 18.7.2020- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Finland ayaa waxay diyaarinaysaa isbeddel lagu sameynayo sharciga Ajnabiga, kaas oo danta laga leeyahay ay tahay in meesha looga saaro shardiga dakhli ee ku hor-gudban dib u midaynta qoyska qofka aan qaangaarin ee Finland laga siiyay magangelyo caalami ah.

Guddiga u xilsaaran diyaarinta wax ka beddelista sharciga ajnabiga ayaa waxay sidoo kale ka salgaarayaan haddii ay jiraan arrimo kale oo u baahan in wax laga beddelo si loo waafajiyo Barnaamijka ay ku shaqaynayso Xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda Finland ka dhisan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa caddaynaysa in xaqa loo leeyahay Nolol-qoyskeedka ay ku caddahay Dukumentiga Xuquuqda Aasaasiga ah ee Midowga Yurub iyo Heshiiska Xuquuqda Banii’aadanka ee Yurub.

Maria Ohisalo, Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland ayaa sheegtay in Dib u Midaynta Qoyska ee degdegga ah ay qofka ka caawinayso in uu si wanaagsan dalka ula qabsado. Ohisalo ayaa dhanka kale sheegtay in Midaynta Qoysku ay muhiimad gaar ah u leedahay magangelyo-doonka aan qaangaarka ahayn ee dalka kaligiis yimid,

Shardiga dakhliyeed ee hadda lagu dabaqo Dib u Midaynta qoyska ayaa ah tusaale ahaan in qoyska ka kooban labo qof oo qaangaar ah iyo labo ciyaal ah ay soo gasho bishii 2600 yuuro oo saafi ah.

Lacagtan shardiga ah ayaa marka la xisaabinayo waxaa ku jiri kara dakhliga ka soo xaroodo ganacsi iyo kabitaannnada kale ee bulshada, tusaale ahaan lacagta dheeraadka ah carruurta (lapsilisä) iyo kaalmada lacagta kirada hoyga (asumistuki).

Diyaarinta wax ka beddelista sharciga ajnabiga ayaa loo qabtay in lagu soo dhammeeyo ugu dambeyn dhammaadka bisha Juun ee sannadka dambe (2021).