Shaqaalaha dugsiyada iyo xannaano-maalmeedyada Helsinki oo loo tababarayo kahortagga cunsuriyadda

Helsinki 12.6.2020- Magaalada Helsinki ayaa waxaa sannad-dugsiyeedka deyrta ka billaabayana tababar la siinayo shaqaalaha ka shaqeeya goobaha waxbarashada oo ay magaaladu maamusho sida xarumaha barbaarinta, dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare.

Machadka waxbarashada dadka waaweyn iyo kuwa xirfadda ee Stadi ayaa horay looga billaabay tababaro la siinayo shaqaalaha goobahaas ka shaqeeyaa, si ay u oggaadaan islamarkaasna wax uga qabtaan cunsuriyadda ka jirta goobaha waxarashada, taas oo kadhan ah dadka asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa

Cunsuriyad nidaamsan ayaa weli ka jirta dalka Finland waxaana haatan su’aalo-weydiinta daryeelka caafimaadka dugsiyada lagu ogaaday in dhibka lagu hayo ardayda asalkoodu dibadda ka soo jeedo uu ka badan yahay kan loo geysto ardayda asal ahaan dalka u dhalatay.

Pia Aaltonen, Madaxa qorsheynta ee mashruuca horumarinta qorshaha waxbarashada iyo barbaarinta dadka dalka u soo guuray ayaa sheegtay in Helsinki billaabayso tababaro lagu baranayo sida cunsuriyadda looga hortago oo isdabajoog ah, kuwaas oo la siinayo ku dhowaad kala bar shaqaalaha ka shaqeeya goobaha waxbarashada iyo barbaarinta.

Pia Aaltonen ayaa dhanka kale sheegtay in Helsinki ay noqonayso magaaladii ugu horreysay ee si baaxaddan leh u wajahda la dagaalanka cunsuriyadda laga soo sheegayo goobaha waxbarashada. Waxaa kale oo ay Pia sheegtay in dhibaatadan ay tahay mid dalka oo dhan ka jirta, balse ay iyagu ka magaalo ahaan tusaale u noqonayaan ka hortaggeeda dalka intiisa kale.

Tababarka lagu baranayo sida lagu ogaado kaddibna wax looga qabto cunsuriyadda ayaa waxaa maalgelinaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka waxaana fulinaya Machadka Waxbarashada Nabadda.

Xigasho: Yle

Sawirka: Yle