Safiiradda Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhida Finland Nesreen Alshebel oo Afur heer sare u samaysay Diblomaasiyiin oo ku mid yahay Suldaan Said Ahmed

Photo credits- Saudi Embassy in Finland https://twitter.com/KSAembassyFI/status/1770945243493396652/photo/2

Munaasabad afur ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay Safaaradda Saudi-Arabia ee Finland ku qabatay xarunteeda ayaa waxaa ka qaybgalay Safiirada dalalka Islaamka ah ee jooga Finland, Ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika Diblumaasi Suldaan Said Ahmed Agaasimaha waaxda Bariga Dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland, guddoomiyaha guddiga saaxiibtinnimada Finland-Saudi-Arabia ee Baarlamaanka Finland, guddoomiyaha Ururka Carabta Finland iyo diblumaasiyiin kale.

Madasha afurka oo ka dhacday Qasriga Safaaradda ayaa sidoo kale looga hadlay Xaaladda Bariga Dhexe, Gaza iyo Suudaan. Waxaa kale oo laga hadlay doorka baayac-mushtarka, arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta dibadda ee Finland iyo sida ay u mudantahay in waaya-aragnimada Finland ee qaybaha kor lagu soo sheegay looga faa’iideeyo horumarka iyo xasillooni-ku-soo dabbaalidda dunida.

Ka sokow Finland, Danjire Nisreen Alshibl ayaa dalkeeda safiir uga ah Estonia iyo Latvia