Ra’iisul wasaare Sanna Marin oo si kulul uga hadashay dadka waddamada dibadda u safraya

Espoo 12.8.2020- Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa soo saaraty maanta qoraal tiwiitterkeeda ah, kaasoo ay dadweynaha reer Finland ku xusuusinayso arrimaha la xiriira xuquuqda uu qof kasta leeyahay ee ah in uu waddanka ka bixi karo, islamarkaana uu ku soo laaban karo. Sidoo kale waxaa ay dadka si gaar ah u xusuusisay in xuquuqdaas uu qofku leeyahay ay ka dhalanayso mas’uuliyadda qof walba ka saaran xaaladda feyruska korona ee haatan taagan.

Ra’iisul wasaarahu waxaa ay tilmaantay in dadka qaar ay u safreen dalalka ay xaaladooda korona aad u kacsan tahay, waxaana ay carrabka ku adkaysay in kharashka ka dhasha dibaatada faafitaanka xanuunka aan dhammaanteen wada bixin doonno. Hadalka Twiiterka ee ra’iisul wasaaruhuna waxaa uu u qornaa sidatan:

“Sida ku qoran dastuurka dalka qof walbaa wuxuu xaq u leeyahy in uu dalka ka bixi karo, waxaana dadka heysta dhalashada dalkaan ay mar walba xaq u leeyihiin in ay dalka ku soo laaban karaan. Xuquuqdaan dadku waa ay ku dhaqmeen. Dadka qaar baa waxaa ay u safreen dalalka ay xaaladda feyruska korona aad u kacsan tahay. Kharashka ka dhasha arrinkaas dhammaanteen waan wada bixineynaa. Xorriyadda waxaa ka mid ah mas’uuliyad. Waana arrin loo baahan yahay in qof walbaa uu xusuusnaado.” https://twitter.com/MarinSanna/status/1293430423402549248

Waxaa qoray Ustaad Abdirizak Sugulle