QORMADA TIFAFTIRAHA: SIYAASADDA IYO SOOMAALIDA FINLAND- Doorashada Baarlamaanka Finland waa ay dhowdahay, cunsuriyiintuna waa nagu duullaan ee maxaa noo dan ah?

Mauri Ratilainen / Compic / Eduskunta

Waa marag-ma-doonto in Soomaalida Finland ay muddo ka muuqatay siyaasadda heer deegaan iyo gobol ee inta badan ku saleysan deegaannada ay Soomaalidu ka degto Finland. Waxaa kale oo taas ku soo kordhay in markii ugu horreysay uu baarlamaanka Finland galay mudane ka mid ah Soomaalida Finland, MP Suldaan Said Ahmed.

Waxaa kale oo aan doodi ka taagnayn, in xoogga iyo xeeladda siyaasaddeed ee cunsuriyiinta Finland ay markasta ku foogan yihiin dadka soo-galootiga ah iyo dadka asal ahaan soo-galootiga ka soo jeeda ee Finland. Xilliga doorashooyinka, sida doorashada baarlamaanka, golayaasha deegaanka iyo gobollada ayaa ah wakhtiga ugu daran ee ay cunsuriyiinta iyo xisbiyada ay siyaasaddoodu midiga u janjeerto shacabka ku xuuxiyaan xummaanta been-abuurka ah ee ay dadka soo-galootiga ah ka sheegaan.

Dadka sida gaarka ah siyaasiyiinta midigtu u bartilmaameedsadaan ayeey Soomaalida Finland kow ka tahay, waana arrin loo soo joogay ee ma ahan wax haatan masraxa siyaasadda ee Finland ku cusub.

Dhammaan waxyaabaha kor ku xusan waa kuwa maan-xadantayn naga ah ee ma ahan kuwa xambaarsan xog cusub, laakiin waxaan u soo qaadannay xusuusin iyo war-waa-sheegid waanana-waa-qaadasho.

Haddii aan u daadagno dulucda qormadan aan uga gol-leenahay in aan ku gorfaynno wadiiqooyinka noo furan ee aan saamayn kula yeelan karno metelaadna ku helno, marka laga hadlayo Golaha sharcidejinta ama Baarlamaanka Finland.

Waxaa hadda Baarlamaanka Finland u sharraxan shan (<5>) murashax oo Soomaali ah, kuwaas oo ka kala sharraxan saddex deegaan doorasho oo kala duwan, Uusimaa, Helsinki iyo Varsinais-Suomi.

Waxaa la rumaysanyahay, in haddii ay Soomaalida Finland dhexda-u-xirato, u midowdo, islamarkaasna macariifadeeda kaashato ay shantaas murashax soo saari karaan, yacni ay baarlamaanka geyn karaa.

Laakiin, iyo haddana laakiin waxaan u soo joognay in mushkiladda kala qoqobnaanta iyo qabyaaladda ka dhalatay ee aan dalkeenna ku burburinay aanu halkaan (Finland) u soo waaridnay oo aan ku caana-maalno.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan daah la saari karin, in Soomaalida Finland ku nool ay haatan u badan yihiin dhallinyaro yaraan ku timid dalkaan ama ku dhalatay oo aqoon iyo ogaal u leh asalkooda, diintooda iyo dantooda dalkan daadsan dalkan Finland.

Rajada siyaasad ahaan lagu badbaadi karo, Soomaalidu ay metelaad baarlamaanka Finland uga heli karto qoqobka nuxur iyo natiijo la’aanta ahna looga bixi karo waa dhallinyaradaas aan kor ku soo xusnay.

Waxaa dhallinyarada la gudboon, in ay murashixiinta dood u qabtaan, miisaan saaraan siyaasaddooda, qorshayaashooda iyo waxqabadkoodii hore ee dhinaca siyaasadda.

Waxaa kale oo qumman in doodahaas ay daah-furnaadaan oo fagaarayaal lagu qabto, si dadka Soomaaliyeed ee xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan ay u helaan murashax Muslim ah, Soomaali ah oo ay codkooda siiyaan iyagoo ku xulanaya qorshihiisa siyaasaddeed iyo waxqabadkiisi hore.

Waxaa kale oo aan doorkooda shariifka ah ee bulshada saameynta ku leh la dafiri karin Culimada Soomaaliyeed ee hoggaanka u heysa masaajidda iyo malcamadaha diinta Islaamka lagu barto.

Culimadeennu waxay nagu baraarujin karaan, in si aan u helno metelaadda golaha sharcidejinta Finland (Baarlamaanka) aan codkeenna siinno murashaxa/ murashixiinta qaadi kara, ku hadli kara islamarkaasna ka mira-dhalin kara baahiyaheenna diinta ku salaysan ee aan qabno.

Murashixiinta Soomaalida ah ee Baarlamaanka Finland u tartamaya waxay mudan yihiin in la bogaadiyo, taageero, islamarkaasna la dhiirrigeliyo. Waa geesiyaal u bareeray dhabbaha qodxaha badan ee ay maraan siyaasiyiinta soo-galootiga ah ama asal soo-galooti ka soojeeda!

Kuvituskuva vaaliuurnasta, uurna, vaalit, äänestys.
Vaaliuurna-Hanne-Salonen-Eduskunta

Murashixiinta Varsinais-Suomi iyo Uusimaa ka kala sharraxan waxay mudan yihiin, in ay helaan codadka Soomaalida deggan deegaan-doorashadooda, waana in aan weliba xoogga saarno sidii aan codadka dadka kale ee aan Soomaalida ahayn u soo xodxodan lahayd.

Waxaa kale oo mudan in maanka lagu hayo, in tusaale ahaan saddexda murashax ee Helsinki ka sharraxan ay xaq u leeyihiin in ay u tartamaan baarlamaanka Finland iyagoo kala metelaya xisbiyada ay siyaasadda jaalka kula yihiin.

Laakiin su’aasha si gaar ah ugu wajahan Reer Helsinki ayaa ah: Mar haddii ay saddex murashax miiska idiin saaran yihiin, sow ma joogtaan wakhtigii aad miisaanka saari lahaydeen kana baaraandegi lahaydeen murashaxa aad codkiinna siinaysaan, haddii aad u aragtaan in aadan soo saari karina saddex xildhibaan?

Suldaan Said- Kuva-Eduksunta

Maxaa ku jaban haddii Reer Helsinki ay qaataan qaacidadda ah: Xajiso wixii aad horay u haysatay, kaddibna ku dhaqaaq sidii aad u kororsan lahayd wixii aad haysatay!

 

SSMV-QORMADA TIFAFTIRAHA